Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo  maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa safar dibada ah ayaa la kulmay Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka Canada.

Advertisement

Kulankan oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo Qeyb galeen Culumada,  haweenka, dhalinyarada aqoonyahada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ee Dalka  Canada ayaa waxa uu ahaa mid si wayn loogu soo dhaweeyay Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa kulanka kaga hadlay arimo badan oo ku aadan Soomaaliya iyo rajada Villa Somaliya ee Xiligaan, waxa uuna Warbixin ka siiyay Jaaliyada  Rajada Soomaaliya iyo shaqada ay haatan wado Dowlada dhexe ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Xukuumadiisa Xamse Cabdi bare.

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow  ayaa uga waramay xaalada Dalka Hanaanka Dowlada dhexe ee Dalka iyo in Dalka lagu wado in ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah oo la isku raacsan yahay, waxayna Jaaliyada Edmonton ee Dalka  Canada uga Mahad Celiyeen Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow   sida uu uga waramay xaalada dalka haday ahaan lahayd siyaasad amni iyo la Dagaalanka Al-shabaab.

“ Dowlada dhexe ee  Haatan jirta waxay jirtaa mudo 1 sano ah, waxaana jira caqabado  iyo horumar ay samaysay waxaana ka mid ah sida aad la socotaan la dagaalanka Musuq maasuqa, Dagaalka Shabaab iyo wax ka qabashada amniga caasimadda iyo Gobolada Dalka” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Edmonton ee Dalka  Canada.

Baadiyow ayaa ugu danbayn uga mahad celiyay Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Edmonton ee Dalka  Canada sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen, iyo sida ay uga dhageesteen Warbixinta Dalka uu ka siiyay, asaga oo ku amaanay waqttiga ay galiyen dhageesiga iyo sida Somaliya Edmonton ee Dalka  Canada ay u jecelyihiin In Dalka Soomaaliya uu cagihiisa isku taago.

Ugu danbyn aqoonyahano siyaasiyiin Culumo iyo wax garadkii halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday Qiimaha ay leedahay Nabada iyo Somalinimada  ayaga oo ku amaanay Dowlada haatan jirta mid xooga saartay amaanka la dagaalanka Musuq maasuqa  iyo Nabada ayaga oo ku amaanay  Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya shaqada uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Cabdixakiin441@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here