Jabhadda buurta Gacan-libaax ayaa maanta dilay 9 nin oo ka tirsan booliska jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Jabhadda ayaa sidoo kale maanta dhaawacay 17 kale oo ka tirsan ciidanka dawladda sida uu warbaahinta goor dhawayd u sheegay taliyaha ciidanka booliska Maxamed S. Dabagale.
Advertisement
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka oo deegaankaas Go’da u joogay suggidda ammaanka ay gaadeen nimanka jabhadda ahi.
Taliye Dabagale ayaa sheegay in ciidankiisu aanay qabin amar ah in ay dagaallamaan, balse caawa wixii ka danbeeya ay haystaan amarka ah in ay jabhaddaas la dagaalamaan.