Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka socda Dabbaaldegyo lagu maamuusayo 46 sano guurada kasoo wareegtay markii dalkaan uu xorriyadda ka qaatay Gumeystihii Faransiiska ee qaybta ka ahaa Dalalka Yurub ee Qaaradda Afrika isticmaarsaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ku saabsan munaasabaddaan la wadaagay Shacabkiisa ayaa sheegay in dedaal badan la geliyay madaxbannaanida dalkaas uu helay.

Advertisement

Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan isku duubnaanta, iskaashiga iyo xoojinta dedaallada lagu gaarayo dhabbaha horumarka si dalkaan dhaca Afrika uu ula tartamo waddamada horumaray.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in sanadkaan munaasabadda 27ka June ay dhinac taallo maamuuska Ciiddul-Adxaa oo ku beegan Arbacada 28ka June waxaana uu tilmaamay in maalin kale oo mudnaan gaar leh ay tahay.

Goobo kala duwan oo isugu tagaan Bulshada ayaa lagu qabtay munaasabado qaarkood ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Jabuuti, khudbado kooban oo ay jeediyeen dadka waaya-joogga u ahaa xiligaas oo ka sheekeeyay waxa ay ka xusuustaan.

Previous articleCiidamada Ammaanka DFS oo kordhiyay howlgallada lagu sugayo Amniga Muqdisho.
Next articleIn ka badan 2 Milyan oo Xujey ah oo Buurta Carafo u taagan gudashada Rukniga ugu weyn Xajka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here