NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay heshiis dhoofinta qaadka ah la galayaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Masuulkaan oo ah Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya laguna magacaabo Mithika Linturi ayaa xusay in heshiiskasi la kala saxiixan doono 8-da bisha May ee sanadkaan oo maalmana ay naga xigaan.

Advertisement

“Hadafkeenu waa sidii loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo”ayuu yiri Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya.

Dhaqaalaha degmada Meru ayuu sheegay masuulkaani inuu laf dhabar u yahay qaadku.

“ka ganacsiga qaadka wuxuu waxtar u leeyahay nolosha dad badan oo degmada  Meru ku dhaqan”ayuu mar kale yiri masuulkaani

Warka masuulkaan ayaa ku soo aadaya xili sanadihii ugu danbeeyay uu khilaaf hareeyay ganacsiga qaadka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Linturi

Previous articleMadaxweyne Xasan oo ka qeybgalay dhaqan-gelinta heshiiska Turkey iyo Somalia+SAWIRRO
Next articleWararkii ugu danbeeyay xaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here