QAZA (DAYNIILE.COM)-Philippe Lazzarini, oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa sheegay in ololaha Israa’iil ee ka dhanka ah hay’addaha uu yahay mid sii murjiyay nolosha shacabka Gaza  ka dib markii deeq-bixiyayaashuna ay kala baxeen maalgelinta.
Dhakhaatiirta Gaza ayaa sii wada inay meydad ka raadiyaan barxadda cisbitaalka ka dib markii askarta Israel ay weerareen xarunta iyadoo ugu yaraan 310 laga soo saaray xabaalo wadareedyo ku yaal Khan Younis.
Deeq bixiyayaasha ayaa lagu cadaadiyay inay dib u soo celiyaan maalgelinta aadka loogu baahan yahay ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay shaki geliyay eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda ee militariga Israa’iil
Ugu yaraan 34,183 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,143 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleKenya oo sheegtay in heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya
Next articleGanacsade Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad uu kala kulmay booliska Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here