Wararka ka imaanaya Magaalada Cabud-w aaq ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed hubeysani ay Saaka xirteen Garoonka diyaaradaha.
Mid ka mida kooxaha qabsaday garoonka ayaa u sheegay saxaafada in mudo sideed maalin ah uu u xiran yahay garoonkaasi isla-markaana ay ka digayaan wax diyaarada inay ka soo degto .
“Diyaaradii ku madax adeygta inay soo degto mudada aan qabsanay waan gubeynaa” ayuu yiri shaqsiga u hadlay maleeshiyaadka.
Sidoo kale ninkaan mar uu ka hadlaayay sababta ku dhalisay talaabadaan inay qaadaan ayuu xusay inay tahay markii looga baxay Qaad ama Jaad ay ka qaadan jireen garoonka.
Wasiirka duulista hawada ee Maamulka Gal-mudug ayay sidoo kale ku eedeeyeen inuu musuq maasuq ku dhaaqaaqay.
Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Gal-mudug ee Magaalada Cabud-waaq waxaa la soo sheegayaa inay laba garab u kala baxeen iyagoo kala taageerssn madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa kuwaasoo uu xiligaani u dhexeeyo khilaaf xooggan waana sababta hada keentay in Garoonka diyaaraduhu xirmo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleSara ukac laga dareemayo magaalada Muqdisho Gawaarida Cabdi Bilayaasha iyo Hubka noocyadiisa kala duwan
Next articleLaba maleeshiyo Beeleed oo isku hor fadhiya deegaan hoos taga Degmada Mahaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here