Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka qabaalida isku hubeynayaan la dagaalanka xoogaga Alshabaab iyadoona magaalada Muqdisho laga dareemayo sara u kaca hubka noocyadiisa kala gadisan

Advertisement

Suuqayada lagu iibiyo Gawaariada Cabdi bilayaasha loa saaro qoryaha Dhashikayaasha ayaa qiimahii Bil ka hor la kala siisanaayey sare uga kacay labadii maalin u danbeysay taa oo loo aaneynayo is hubeynto beelaha Muqdisho isku hubeynayaan la dagaalanka Alshabaab

Siyaasiyiinta beelaha iyo Gacansatada tunka weyn ayaa dhaqaalo ku bixinaayo in la hubeeyo qabiilada

Suuqa lagu iibiyo Hubka noocyadiisa kala gadisan ayaa hada u muuqda mid saxmad ah oo meel la kala istaaga la layahay iyadoona hada uu noqday hubka mid sare u sii kacaayo maalinba maalinta ka danbeysa madaama iibsigiisa hada uu sare u kacay

Beelaha sida weyn hubka u iibsanayo ayaa ah Beelaha Abgaal iyo Murusade kuwaa oo hada ku furan yihiin aagag dagaal ee kala dheexyo Alshabaab

Previous articleWaa maxay Dagaalka hoose ee lagu haayo Xildhibaan Jacfar iyo Xildhibaanad faaiza Jeyte
Next articleKhilaafkii u dhexeeyay Madaxda Gal-mudug oo sababay inuu Saaka xirmo Garoonka diyaaradaha Cabud-waaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here