Sida dadka deegaanku u sheegeen saxaafada waxaa laba maleeshiyo Beeleed isku hor fadhiyaan Deegaanka Miriq Miriq ee hoos taga Degmada Mahaday ee Gobolka She.dhexe.

Labadan  Maleeshiyo Beeleed oo heyb ahaan isla dhashay ayaa la soo sheegayaa inay isku qabteen dhul beereed taasoo keentay in shalay uu dagaal dhexmaro islamarkana uu qof ku dhinto halka mid kalana ku dhaawacay.

Advertisement

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay mar kale maanta qarka u saaran yihiin inay isku dhacaan madaama aaney jirin cid ku kala dhex jirta islamarkaana dhex dhexeedineysa.

Colaadaan ayaa imaaneysa xili dalku Dagaal wajahayo kaasoo u dhexeeyay Alshabaab iyo ciidamada Dowlada oo garab ka helaya dadka deegaanka.

                          

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleKhilaafkii u dhexeeyay Madaxda Gal-mudug oo sababay inuu Saaka xirmo Garoonka diyaaradaha Cabud-waaq.
Next articleC/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay maleeshiyaadka Macawisley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here