Dhalinyarada ayaa marka ay wax isla fahmaan isticmaalo Salaan dhalinyaro oo loo yaqaan “ku dhac” taa oo Gacmaha la is taabsiiyo, waa Salaan xeeladeed is faham, badanaa khuseesyo Qof saddaxaad oo Goobta ka maqan.

Hadda Madaxweynaha Kenya iyo Abi Axmed ayaa isku salaamay “Ku dhac”. Waxaana la sheegayaa in Madaxweynaha Kenya uu ka Codsaday Madxeynaha Somaliya in uu ka soo qeyb galo shir fool ka fool ah oo lagu dhaxdhaxaadinayo Madaxda Somalia iyo Ethiopia.

1. Madaxweynaha Somalia waxa uu hore noogu sheegay in uuna Hor fadhiisaneyn Abi Axmed ilaa uu ka noqdo Go’aankii Badda ee uu la galay Somali land.
2. Kenya iyo Ethiopia Danna Badan ayaa ka dhexeeyo, kuwaa oo qaarkood haddii aad hoos u quusto lid ku noqo karo Danaha somalia. (F.S:1-4aad)
3. Ma Xumeey karno Dhanaha Kenya nagala dhexeeyo, oo ka wanaagsan kuwa Ethiopia nagala dhexeeyo.
Talo.
1. Ka qeyb galka shirku waa in uunana noqon ( Wixii ay na yiraahdiin ayaan wax ka leenahay) , taa waxaa isticmaalo odayaasha dhaqanka, ee kuma qorno Buugaagta Siyaasadda, inta aan la tagin shirka waa in la diyaariyo sidii Xaaladaha loola falgali lahaa, waxa dhici karo iyo mid waliba go’aannada laga qaada karo.
2. Waa in la isweeydiiyo Arrintaani Siyaasadda iyo Diblomaasiyadda, ma Ugubaa mise waa Caado hore u dhacday ? .3. Si arintaan go’aan wax ku ool ah looga gaaro, waa in wafdiga Somalida lagu daraa, Siyaasiyiin iyo Diblomasiyiin Somalia oo waaya arag ah, intii wafdigu uu u badnaa ladaa, Dugsileey Siyaasadeed oo khaddii wax barashadu Daanka u marsan tahay, sida badanaa ka muuqa jirtay wufuudda Somalida
4. Waa in la fuliyaa Go’aankii ahaa Abi, ilaa uu ka noqdo Heshiiskii hore, hor fadhiisa maayo.
5. Ethiopia, kuma ekaan heshiiskii hore ee weli waxa ay sii wadaa. ( F.S: 5aad)
Qore:Yahya Amir

May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people, suit and weddingMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of text

 

Advertisement

 

Previous articleQarax khasaare gaystay oo lala eegtay ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan
Next articleOdey-dhaqamed Bessha Habar-jeclo “waxaa Muqdisho igu dili rabay Muuse Biixi “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here