Baladweyne (dayniiile.com)-Sida ay sheegtay Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin roobabka iyo fatahadaha ka jira Baladweyne darteed ayaa waxaa sii kordhaya dadka ku dhimanaya magaaladaasi.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxay sheegtay inay ku geeriyoodeen 8 ruux Magaalada Baladweyne markii ay ku maashoobeen biyaha.

Advertisement

Haweeneydaan waxay sidoo kale ugu baaqday deeq bixiyayaashu in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleeddada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha iyadoo xustay in lagu mashquulay oo kaliya dadka fatahaadaha ay saameyeen.

Dhanka kale waxaa wali Baladweyne laga baadi goobayaa dad biyuhu qaadeen oo nolol iyo geeri midna lagu heyn sida gobolada dalka badankoodba laga soo sheegayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiirka arimaha gudaha iyo Danjiraha Dalka Jarmalka oo kulan wada yeeshay+SAWIRRO
Next articleDAAWO VIDEO: Milatariga Baydhaba oo bulshada ka saacidaya daadadka roobka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here