NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa xalay Magaalada Nayroobi ku kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Kulankaan waxaa looga hadkay xurgufta u dhexeysa ee dhanka siyaasada oo ay ku kala fogaadeen.
Warar ku dhaw dhaw labada masuul ayaa sheegaya in shirkaas natiijo la’aan ku soo dhamaaday laguna kala tagay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Shariif ku adkeystay inay danta guud ee dalka ka wada hadlaan halka Madaxweyne Xasan isna soo jeediyay inay u wada hadlaan si shaqsj ah wixii uu ka tabanayo Dowlada.
Inkastoo labada hadafba ay wax ka taataabteen hadana iyada lafteeda waa isku fahmi waayeen .Tusaale ahaa waxaa la isla soo qaaday sidii kooxaha mucaaradka wax laga siiyo xilalka Dowlada iyadana waa la isku fahmi waayay.
Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Muddulood oo markii horaba kulankaan soo agaasimay ayaa hadana lagu wadaa inay soo dhexgalaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleDowlada Somalia “kulankii Nairobi laguma soo hadal qaadin wax ku saabsan Badda Somalia”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here