Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Advertisement

Previous articleKulankii Madaxweyne Xasan iyo Shariif Sh.Axned muxuu ku soo dhamaaday
Next articleMadaxweynaha muxuu ka yiri maalinta 12-ka Apriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here