Mugdisho, Abriil 12, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.

Previous articleDowlada Somalia “kulankii Nairobi laguma soo hadal qaadin wax ku saabsan Badda Somalia”
Next articleDAAWO: Xukuumada Dan-Qaran qaabkee usoo dhaweysay Xuskqa 12-ka Apriil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here