ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Sida BBC-du sheegtay Odey dhaqameedkii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaan baraha bulashada kaga caan baxay ereygii Lafti Nagaa ayaa la soo sheegayaa in gurigiisa Itoobiya lagu weeraray.

Ciidamo Booliis ah oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa guriga si sharci daro ah ku galay si ay u dilaan waa sida uu isagu laftiisu shaaciyay walow booliisku beeniyeen.

Advertisement

Odey dhaqamedkaan oo magaciisa saxda yahay Goban Hoola  ayaa intaasi ku daray in nasiib wanaad isaga uu ka maqnaa guriga balse in la dilo qorshuhu ahaa.

“Waxay qaateen shey aabaheey dhaxal ahaan ii siiyay. Qoyskii oo dhanna way argagaxeen.”ayuu yiri Odeygu

Sarkaal Booliiska Itoobiya u hadlay ayaa beeniyay warka odey dhaqameedka wuxuuna sheegay inay xaafada dhan baarayeen sidaasna ku galeen gurigiisa islamarkaana ay warqad fasaxa ka wateen maxkamada.

Goban Hoola mar saxaafadu wax ka weydiisay sida uu ku ogaaday in isaga la dili rabay ayuu xusay in masuuliyiin dowlada Itoobiya ay hore  u soo waceen uguna hanjabeen inay talaabo ka qaadi doonaan isaga iyo qoyskiisaba.

Odey dhaqameedkaan oo dhawaan Haregeysa booqasho ku tagay markaasoo uu la kulmay Odey dhaqameedyo reer Hargeysa balse mar uu duceynayay ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Lafti Nagaa taasoo mar kaliya qabsatay baraha bulshada Soomaalida iyadoo siyaabo kala duwan loo fasiray waliba markaas waxaa taagnaa xiisada ka dhex  dhalatay Somalia iyo itoobiya kadib markii ay heshiis Baddeena ay ku qaadaneyso Itoobiya ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Abaa gadaa

Previous articleXiriirka Kubadda Cagta UEFA oo baajiyay kulan u dhexeeyay kooxaha Israa’iil iyo Bosnia sababo amni
Next articleGudoomiye Aadan Madoobe oo Caawa Hoygiisa afur ugu sameeyay Xildhibaano Kenya ka socday+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here