Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa baajiyay ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda cagta ah oo u dhaxeysay Israel iyo Bosnia-Herzegovina iyadoo la eegayo xaaladda ammaan ee hadda jirta

Labadan xul ayaa khamiistii lagu reebay isreeb reebka koobka qaramada qaarada yurub, waxaana lagu balansanaa 26-ka bishan March kulan ay soo qaban qaabiyeen UEFA oo ka dhici lahaa caasimada Bosnia ee Bosnia.

Advertisement

Xiriirka kubadda cagta ayaa bayaan kooban ku sheegay in labadoodu ay ku heshiiyeen in la joojiyo ciyaarta sababo amni darteed inkastoo faahfaahin intaas ka badan uusan xiriirku ka sii bixin.

Ciidamada Israa’iil ayaa xasuuq baahsan waxay ka wadaan gudaha dalka Muslimka ah ee Falastiin gaar ahaan marinka Gaza iyagoona ilaa bishii Oktobar laayay oo nafta dhaafiyay 32,070 falastiiniyiin ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleRuushka iyo Shiinaha oo diidmada qayaxan ku diiday Qaraar ka dhan ahaa Xamaas
Next articleOdey dhaqameed Lafti Nagaa oo gurigiisa Itoobiya lagu weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here