NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Ruushka iyo Shiinaha ayaa diidmada qayaxan ku diiday qaraar qabyo ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saaray Qaza oo uu soo jeediyay Mareykanka.

Qabyo-qoraalka Mareykanka wuxuu ahaa taageero Mareykanku u muujiyay Israa’iil si ay howlgal millatari uga fuliso Rafah sida uu warbaahinta u cadeeyay  ergeyga Ruushka ee Qaramada Midoobay waana sababta ay diidmada qayaxan u saareen Shiinaha iyo Ruushka.

Advertisement

Ruushka iyo Shiinaha sidoo kale waxay diideen qorshaha ku dhex jira qaraarka qabya qoraalka mareykanka uu Qaramada Midoobe hor keenay taasoo ah shuruud xabad joojinta lagu xirey oo ah in Xamaas sii deyso maxaabiista ay ka heyso Yuhuuda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Blinken ayaa sheegay Isagoo ku sugan magaalada Tel Aviv, in madaxda Israa’iil ay halis ugu jiraan inay lumiyaan taageerada caalamka oo dhan, haddii ay amraan in la weeraro Rafah.

Dhanka kale Ugu yaraan 32,070 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 74,298 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Amazon.com : China Chinese & Russia Russian Flags 4"x6" Desk Stick Table (NO Base) : Office Products

Previous articleMUQIDISHO: Maxaabiis maanta Cafis madaxweyne lagu sii daayay Ramadaanka dartiis+SAWIRRO
Next articleXiriirka Kubadda Cagta UEFA oo baajiyay kulan u dhexeeyay kooxaha Israa’iil iyo Bosnia sababo amni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here