Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kudhigeen rag burcad ah oo dhac ka geysanayay meelo kamid ah degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggaas oo gaaraya ilaa Saddex ay Mobile ka dhacayeen Haweeneeys, balse Ciidamada oo ka warhelay ay ku baxeen, isla markaana gacanta kusoo dhigeen.

Advertisement

“ Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyoow cadde ayaa ayagoo ku guda jira shaqooyinkooda amni xaqiijinta ah waxeey soo qabteen sadaxdaan eedeysane kuwaa oo dhac tooreey ka geysanayay agagaarka isgoyska balaagsii ee demada hodan. Sida ka muuqata sawirka hoose eedeysaneyaasha oo ka kooban sadax burcad ayaa lagu soo qabtay mobile ay ka dhaceen muwaadin dumar ah iyo tooreeydi ay wax ku qaadanayeen, waxaana la marin doonaa hab-raaca sharci ee dalka u degsan hadduu alle idmo.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa laamaha Amniga Muqdisho waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay, iyaga oo gacanta ku dhigay burcad dhac geysaneysay iyo kuwo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Previous articleGuddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi gaar ah u saaray heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran
Next articleDowladda oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here