Nairobi (dayniiile.com)-Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee loo yaqaan DCI-da laba nin burcad ah ayay ku toogteen shalay deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi.

Falal burcadnimo ah ayaa la sheegay inay gaysteen burcada, inkastoo ciidamadu fursad u siiyeen inay is dhiibaan balse mid ka mida ayaa rasaas bilaabay sidaasna lagu toogtay labadoodaba.

Advertisement

Burcadaan oo magacyadooda lagu kala sheegay Rundo iyo Mulinyo ayay ciidamadu meydadkooda  ka qaadeen goobta iyagoo geeyay meelaha la dhigo meydadka.

Sidoo kale Waaxda dambi baarista Kenya waxay intaasi ku dareen in howlgalkaani ay qabteen Bistoolad,rasaas gaareysa ilaa 9 xirmo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDowlada Kenya oo ka hadashay weerar ay ku qaadeen saldhig Alshabaab ku lahaayeen duleedka Gaarisa
Next articleXukuumada oo gudaha iyo dibada ka wada fulinta wax ka badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here