Ceel-dheer (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Degaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay laba wiil aano qabiil darteed loogu dilay meel ku dhaw deegaanka Ceel-dheere ee Gobolka Galgauduud.

Labada marxuum oo isla dhashay waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo  Macallin Liibaan Xasan Cismaan, maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa dadkaan shacabka ugu tageen kuna dileen Tuulada  Ilix oo aad ugu dhaw deegaanka Ceeldheer.

Advertisement

Marxuumiinta isla dhashay waxaa la sheegay inay kala ahaayeen dhaqtar Ilkaha ku taqasusay iyo Macalin Dugsi Quraan,iyadoo dhaqtarku dhawaan uun booqasho ahaan ku tagay deegaankaasi halka Macalinka oo isaga ka yar uu hore deegaanka ugu sugnaa sida ay sheegtay idaacada Shabelle.

Mudooyinkaan danbe waxaa ku soo badanayay Deegaanada Maamulka Galmudug dagaalo beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil la isku dhaafsanayay inkastoo marar badana xalintooda loo fadhiistay xitaa meelaha qaar ciidamo la kala dhex dhigay dagaal beeleedyo toos ah oo jirey darteed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXildhibaan Caan ah oo ka shifay sir-ta ka danbeysay in Dekada Hobyo dhismo weyso
Next articleMadaxweyne Xasan shekh  magacaabista Guddoomiyihii Guddiga shirweynaha dib u heshiisiintii  Galmudug Dr. C/raxmaan Baadiyow iyo Villa Somaliya oo lagu amaanay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here