Advertisement

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa mar kale u Magacaabay Dr. C/raxmaan C/llaahi Macallin Baadiyow in uu Hogaamiyo dib u heshiisiinta Dalka, maadaama uu ka soo qeyb qaatay uuna  Gudoomiye u ahaa  Gudiggii dib u heshisiintta loogu Xil saaray Maamulka Galmudug, Xukuumadii Raisal Wasaare kheyre..

 

Guddoomiye ku-xigeenka National Forum Party ‘NFP’, Dr. C/raxmaan C/llaahi Baadiyow  oo ah aqoonyahana Soomaaliyeed oo waqtigooda ku baxshay wax u qabashada umada Soomaaliyeed, ayaa Mar kale ayuu Gurmade  Madaxweryne Xasan sheikh u xilsaaray arimaha cakiran ee Somaliya  in uu u Noqdo Lataliyaha arimaha dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

Dr. Baadiyow ayaa ah shaqsi leh aqoon diimeed iyo mid maadi, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahana fara ku tiriska ah ee Dalka joogay sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna ka mid yahay Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo muhiimnka u ahaa in 30 Sano uu Dalka Bur bursanaa in ay dhisanto aqoonta Soomaaliyeed gaar ahaan jaamacadaha ku yaala Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Dhinaca kale  Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda nin aruursanaya oo dowladda uu hoggaamiyo ku soo daraya xubnaha miisaanka leh ee aqoonta durugsan u leh dowladnimada Soomaaliya. In Badan u qidmaynayay Umada Soomaaliyeed oo aan Dalka ka dheeraan markii ay horay wax ugu barteen hadana u soo laabtay in Dalka u shaqeeyaan sida Dr. Baadiyow.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale magacaabista Dr. Baadiyow ayaa soo dadajisay Guulihii wax ku oolka ahaa oo uu ka soo Hoyay dadaalkii iyo dib u heshiisiintii ka dhacday Maamulka  Galmudug, taasi oo keentay in Mar kale loo magacabo Xilkaas.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee isticamaala bara bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay aad uga hadlayeen magacaabista Dr. Baadiyow, waxayna Mar kale sheegeen in Madaxweyne Gurmade Madaxweyne Xasan uu u magacaabaayt Xilkaas shaqsi mudan.

Ugu danbayn  Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow ayaa ahaa bilihii la soo dhaafay La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliy, Balse mar kale ayaa Madaxweyne Xasan ku aaminay Xilkaas Muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed.

 

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

 

Previous articlelaba Walaalo oo aano qabiil loogu dilay Gobolka Galgaduud
Next articleXildhibaan C/raxmaan C/Shukuur “aniga iyo odawaa waxaan ka simanahay ma nihin dadka siyaasada wax ka hela waan ku shiidnay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here