Ciidamada Sirdoonka Maamul Goboleedka Puntland ayaa la soo sheegayaa inay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan dagaal-yahanada Daacish ee ka dagaalama buuraha  Buusaaso.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu qabtay xili ay ka yimaadeen dhanka Magaalada Muqdisho iyagoo ka soo dhoofay sida ay sheegeen garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Airport ee Magaalada Muqdisho.

Advertisement

Saraakiisha reer Puntland ayaa mar ay saxaafada la  hadlayeen waxay sheegeen in labada nin mid ka mida uu yahay sarkaal sare oo Daacish u qaabilsan qorista ciidamada cusub ee ku soo biiraya.

Sidoo kale masuuliyiinta Puntland waxay wax lala yaabo ku tilmaameen sida sarkaalkaan daacish ka tirsan uu ku soo gudbay Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay ka howlgalaan Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Si kastaba wali wax wara kama soo bixin dhanka Dowlada Soomaaliya waliba saraakiisha NISA ee ka howlgala garoonka Aadan Abdulle ee Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here