Muqdisho (dayniiile.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay maalinta HIV AIDS oo ku asteysan 1-da December oo sidaan oo kale dunida oo dhana looga xuso.

Guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV ee Somalia ayaa Munaasabada ka hadlay sharaxaadna ka bixiyay xuskaan sanadkii 19aad ay  u tahay intey soo qabanayeen xili ay garab ka helaan Dowlada Somalia.

Advertisement

“Sanad kasta 1-da December waxaa Caalamka oo dhan laga xusaa Cudurkaan AIDS-ka iyadoo mooralka loogu dhisaayo dadka la nool cudurkaan”ayuu yiri Gudoomiyaha guddiga ka hortagga HIV AIDS  ee Somalia.

Gudoomiyaha wuxuu ku booriyay bulshada guud ahaan inay isbaaraan islamarkaana ay qofka isbaara laba jeerba fa’iido u tahay.

“qofka isbaara hadii laga waayo waa u fa’iido oo wuxuu ogaanayaa inuu caafimaad qabo,hadii laga helana wuxuu helayaa la talin ,dawo iyo nafaqeyn “ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dadka laga helo wuxuu sidoo kale sheegay Gudoomiyuhu inay faraan inuu bulshada ka ilaaliyo,sidoo kale dadka joogteeya dawada cudurka maba gudbin karaan.

Mar uu ka hadlaayay waxyaabaha ay u qabtaan dadka la nool ayuu sheegay inay u doodaan  xaquuqdooda inay helaan,sidoo kalana siiyan dawo lacag la’aan ah.

“dadka la nool cudurka waxay xaq u leeyihiin inay  sida dadka caadiga ee aan qabin cudurka ay helaan sida  waxbarasho iyo shaqo”ayuu yiri Gudoomiyaha

Ugu danbeyn wuxuu kula taliyay dadka is guursanaya inay tagaan goobaha caafimaadka ka hor inteysan isu tagin islamarkaana iska baaraan Fayruska cudurka HIV AIDS.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.

Previous articleMadaxweyne Xasan oo shirka Cimilada Dunida khudbad ka jeediyay+SAWIRRO
Next articleSaciid Danni oo Caawa xariga ka jaray Somali European Hospital.+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here