Warar laga helay Maamulka Jubaland ayaa sheegay in la helay Siyaasiga caanka ah ee C/rashidi Janan oo hore usoo noqday Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland.

Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye Masuulka Maamulka Jubaland ee hadlay wuxuu sheegay in C/rashiid Janan uu caafimaad qabo islamarkaana laga helay kuna sugan yahay xiligaan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Advertisement

Ninkaasi masuulka ee sheegay in C/rashiid Janan la helay ma uusan faahfaahin helitaanka iyo halkuu ku maqnaa intaba.

Dadka ehalka la ah C/rashidi Janan ee ku dhaqan Magaalada Dooloow ayaa la filan karaa inay warkaan xaqiijiyaan ama beeniyaan sidoo kale siyaasiga ayaa laftiisu haduu xor yahay soo hadli doona hadii Alle idmo.

Wixii ku soo kordha warkaani oo aan wali xaqiiqo loo heyn wararkeena xiga ayaad ka heli doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleTirada Falastiiniyiinta ee la xasuuqay 24-kii saac ee u danbeysay
Next articleHowlgal Qorsheysan oo lagu dilay Saraakiil Alshabaab ka tirsanaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here