Boosaaso, February 08, 2024: Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish.

Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

Advertisement

6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga.

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

Previous articleDowladavl Somalia oo beenisay inay hawada dalka ka celiyeen diyaarad Hargeysa rabtay
Next articleAntonio Guterres oo sheegay in Malaayiin reer Gaza ah ku go’doonsan yihiin Rafax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here