War ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Muuse Biixi Cafis u fidiyay Jab-hada hubeysan ee buurta Gacan-libaax.
Jabhadaan ayaa bishii hore dagaal culus la gashay Maamulka Somaliland kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Madaxweyne Muuse biiixi wuxuu carabka ku adkeeyay inysan jirin wax loo raacan doono hada kadib  dhalinyaradaani hubeysan

“Midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha ayay ahmiyad siineysaa Somaliland,sidoo kale waxaan dhiiri galineynaa dib u heshiisiinta “ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Maamulka gooni isu taaga Somaliland
Dhanka kale Maamulka Somaliland wuxuu ka dalbaday Jab-hada inay hubka ku soo wareejiyaan sidoo kale odayaasha dhaqanka Jabhada waxaa laga dalbaday inay bixiyaan dhiiga ilaa 10 askari oo ka tirsan Maamulka Somaliland kuwaasoo ku dhintay dagaalka ay la galeen Jab-hada
Lama oga inay si rasmi ah u qaadan doonaan dhalinyaradaani hubeysan heshiis ay ka soo shaqeeyeem Odayaasha dhaqanka.

XAFIISKA WARARKA

Advertisement

DAYNIIILE.COM

Si kas
Previous articleRonaldo wuu ku saxsanaa, Glazers dan uma laha Manchester United
Next articleShil khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here