Hargeysda (dayniiile.com)-Maamulka gooni u goosadka Somailand ayaa maanta meel fagaare ah waxay ku fuliyeen xukun dil ah oo lagu oofiyay rag hore dilal u gaystay kuwaasoo maxkamadi xukuntay.
Taliska Booliska Maamulka Somaliland ayaa 5 nin ku fuliyay xukunkaani dilka ahaa kaasoo qisaas u ahaa dad ay hore u dileen.
Fagaaraha xabsiga weyn ee Mandheera ee maamulkaasi ayuu ka dhacay fulinta xukunkii dilka ahaa waxaana goob joog ka ahaa saraakiil booliis iyo dad shacab ah.
C/raxmaan Jaamac Hayaan oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa mar uu la hadlayay saxaafada wuxuu u xaqiijiyay fulinta toogashada 5-taas ruux oo ku eedeysnaa inay hore dilal u gaysteen.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in raggaasi la toogtay ay mareen hab waafaqsan shareecada islaamka.
Haddaba magacyada 5-ta ruux ee maanta la toogtay ayaa kala ah:-
1-Ayaanle Axmed Ismaaciil
2-Cabdirashiid Maxamed Askar.
3-Liibaan Khadar Aadan
4- Xamse Cali Ismaaciil
5- Xuseen Carab Muuse.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM