Muqdisho (Dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya kaasoo lagu magacaabi jirey Cumar C/llaahi Gaagaale.

Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye Dilkaan oo ka dhacay Xaafada Nuur-Xawaad habeenimadii xalay iyasdoo markaas kadibna ay meydka qaadeen ciidmo Dowlada ka tirsan oo goobta soo gaaray.

Advertisement

Ninka Macawisleyda ka tirsan ee dilay Askariga iyo saaxiibadis la socday ayaa goobta ka baxsadeen lamana oga halka uu u dhaqaaqeen.

Ciidamada Amaanka Baladweyne ayaa looga fadhiyaa inay soo qabtaan sidoo kalana fahfaahiyaan sababta keentay in la isu gacan qaado dilna uu dhaco.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu Maanta Muqdisho ku soo laabto.
Next articleKhasaare Hantiyadeed oo ka dhashay Dabkii Xalay qabsaday Martiini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here