Muqdisho (dayniile.com)-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 2 bilood ku sugnaa Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inuu maanta Xamar dib ugu soo laabto sida ay sheegtay idaacada Risaala.

Madaxweynaha oo u tagay Magaalada Dhuusa-mareeb sidii uu  dagaalka uga hogaamin lahaa ayaa intii uu joogay wax badana u qabsoomeen walina wax qabyo ka yihiin.

Advertisement

Xaruntiisa Madaxtooyada Villa Somali ayaa la hadal hayaa inuu Maanta dib ugu soo laabto lamana oga inuu dalka dibadiisa u sii socdo,inuu dhuusa-mareeb ku laaban doono,inuu wufuud caalamka ka iman doonta uu xamar ku qaabili doono iyo inuu caasimada dalka shaqadiisa ka sii wadan doono.

Dhanka kale ma jirto war si rasmi ah uga soo baxay madaxtooyada oo lagu cadeeyay inuu  Madaweynuhu Saaka ku soo laabanayo Magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleDabkii kakacay Isbitaal Martiini oo saacado kadib lagu guuleystay in ka bakhtiijiyo
Next articleMacawisleyda oo Xalay Askari Dowlada ka tirsanaa ku dishay Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here