Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay ka sii darayso xaalada bini’aadantinimo ee ka jirta marinka Gaza.

“Gaza waxay noqotay aag dhimasho” ayuu yiri Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Advertisement

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa ka digaya xaalad adag oo ka jirta Isbitaalka al-Amal ee Khan Younis iyadoo go’doominta Israel ay socoto maalintii 30-aad.

Yuhuuda ayaa duqeyn iyo xasuuq ku bilowday Rafax oo ah Magaalada kaliya ee nabada ahayd islamarkaana shacabkii ugu badnaa ee reer Falastiin ay u barakaceen.

Shalay hal qoys oo ka kooban 12 ruux ayaa la xasuuqay kuwaasoo dhamaantood geeriyooday marii Israa’iiliyiintu duqeeyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSida Hooyadan joogta Qardho ay ugu qaadatay lix bil inay hesho meydka wiilkeedii ay nolosha ku sugeysay
Next articleArdey Somali ah oo meydkiisa laga helay Iskuulkiisa oo ku yaal Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here