=XIGASHO BBC SOMALIA=

Hooyo Xabiibo

Advertisement

Xabiiba Sheekh Maxamed Cali, waa hooyo 70 jir ah oo ku nool magaalada Qardho, muddo saddex iyo toban sano ah ayay dadaal ugu jirtay inay dib-u-hesho wiilkeeda yaraanka ah ee ay ciidamada Mareykanka ka qabteen xeebaha Soomaaliya.

Wiilkeeda ayaa loogu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka dibna lagu xidhay xabsi ku yaala gudaha dalka Mareykanka. Waxay ciidamadu qabteen maalin uun ka dib markii uu ka tegay guriga hooyadii isaga oo kalluumeyste ah.

Ilaa maalinkii la qabtay oo ku beegan horraanta 2011kii, Xabiibo ma ladin hurdo caadi ah, iyada oo naawileysay inay mar uun dib u hesho wiilkeedii ay jeclayd oo ay aaminsan tahay in wiilkeeda si sharci daro ah looga kaxaystay xeebaha dalkiisa “isagoo kalluumeyste ah”.Mahdi Jaamac Maxamed

Telefoonkii xabsiga laga soo diray

Muddo ay baadigoob ugu jirtay warka iyo wacaalka wiilkeeda, mar dambe ayaa loogu sheegay in Mahdi Jaamac Maxamed uu ku xiran yahay xabsi ku yaala Mareykanka, iyo in lagu riday xukun xabsi oo soddon sano ah. “Naxdintii aan ka qaaday warkaas, waxaa igu soo booday dhiigkar aan horey u laheyn oo ilaa iyo hadda aan sariir la jiifo,” ayay cod hoose oo murugo leh ku tiri hooyo Xabiibo oo dib u xasuusaneysa maalinkii ay ogaatay in wiilkeeda oo ay muddo raadineysay uu ku jiro xabsi ku yaal dhul Mareykan.

Laakiin farxad ayaa u xigtay warkaas, waana markii ay dib u maqashay codka wiilkeeda markii ugu horreysay muddo sanooyin ah. Isaga oo ka soo hadlaya xabsiga waxa uu ugu laab-qaboojiyaa inay samir iyo adkeysi yeelato. Waxay isu sheegeen inay maalmo tirin geli doonaan iyaga oo rajeynaya inay dib isku arkaan dhawaan.

Xilliga laga qabanayay xeebaha gobolka Bari waxa uu Mahdi ahaa 22 jir rejo weyn ka leh nolosha, oo uu mardhow u dhashay wiilkiisa curadka ah ee Muscab.

Si la mid ah Mahdi, Boqolaal dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed oo ku eedaysan budhcad badeednimo ayaa ku xidhan xabsiyo ku yaala daafaha dunida kuwaas oo ay qabteen ciidamada shisheeye ee xeebaha Soomaaliya ku sugnaa tan iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Fartuun Cabdullaahi Maxamed, waa 40 jir, hadeerna ku nool Qardho. Walaalkeed Saciid Cabdullaahi Maxamed oo ay sheegtay in yahay kalluumeyste iyo aabbaha labo carruur ah iyo mid uurka ku jiray ayaa isna laga qabtay meel u dhow Xaafuun isla xilliga Mahdi la xiray.

“Walaalkay habeenkii ugu danbeysay ee uu badda galayay, ayuu I soo wacay, waxuu i dhahay ii soo dir kaar taleefan, waan u diray – habeen walba siduu badda uga soo kalluumaysan jiray buuna u baxay isagoo noo keeni jiray Aargoosato iyo kalluun kaleba,” ayay tiri Fartuun.

Balse maalmo ay nolol iyo geeri ku raadinayeen ka dib, waxaa uu ka soo wacay markab ciidan. “Waxa uu igu yiri ‘Fartuuney, markab ciidan baa i qabsaday sidaas ogoow.” Telfoonkaas ka dib, muddo afar sano ah ayeysan wax war ah ka helin. Mar dambe ayay ogaadeen in walaalkeed uu ku xiran yahay xabsi ku yaal Mareykanka. Marar kala duwan oo uu soo wacay waxa uu ka cabanayay nolosha iyo dhaqanka ka jira xabsiga, isaga oo u sheegay in la cunsuriyeeyo iyo in uusan xitaa helin qareen u dooda.Fartuun

Meydka wiilkii ay nolosha ku sugeysay

Hooyo Xabiibo sanado is-xigxigay ayuu xabsiga ka soo wacayay wiilkeeda, hal mar ayay weyday wicitaanadii rejada u abuuri jiray. Waxay malaysay in malaha ay ku adkaatay helista telefoonka. Laakiin xaqiiqada way ka duwaneyd taas.

Lix bil kahor, teleefoon siday war naxdin leh ayaa ka soo dhacay Mareykanka. ‘Wiilkaagii Mahdi wuu dhintay,’ ayaa loogu sheegay telefoonka bishii Agoosto 2023dii.

Markii loo sheegay warkaas Hooyo Xabiiba xaaladeedii caafimaad way ka sii dartay, waxaana laga gartay, ‘wiilkaygii ha la ii keeno’ balse tanina waxay ku noqotay xanuun kale; ka dib markii xitaa meydka wiilkeeda in ay hesho ay adkaatay.

Waxay ku qaadatay muddo ka badan toddobo bil inay hesho ama aragto meydka wiilkeeda. “Aniga wiilkayga isaga oo dooxan baa la keenay Garowe, dadkii markay meydhayeenna waxay ii sheegeen in uu tolnaa, wax laga saarayna ma ogi cid walbana waxaan ka codsanayaa cadaalad,” ayay cod murugo leh ku tiri.

BBC ma xaqiijin karto in meydka loo jeexay si baaritaan loogu sameeyo.Muscab Mahdi, 14 jir

Dedaal iyo xiriir joogta ah oo muddo lix bil ka badan u socday iyaga iyo safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, shalay ayay heshay meydka wiilkeeda oo laga soo safriyay Mareykanka. Ilaa iyo hadda, ma jirto cid u sheegtay waxa uu sababsaday ama uu u dhintay wiilkeeda.

Meydka wiilka laga dejiyay garoonka diyaarada ee magaalada Garoowe, isla markiiba waxaa lagu tukaday salaada janaasada iyada oo isla xilligaasba la aasay. Balse hooyo Xabiibo xitaa way awoodi weysay in ay ka qeybgasho aaska wiilkeeda, iyadoo la jiifto qaracanka iyo xanuunada ay ka qaaday geeridiisa.

“Anniga mar walba waxaan is lahaa Aabbo waad arki oo waad la kulmi, waligeey maan arag, haddana meydkiisii ayaa la keenay; waan ka naxay – cadaalad baanu rabnaa,” ayuu yidhi Muscab oo ah wiilka keliya ee uu dhalay Mahdi oo BBC-da la hadlay, waxaana xilligaa la joogay adeerkii. Hooyo Xabiibana waxay raacisay: “Wiilkaygu cadaalad daro ayuu u dhintay, dowlad u qareentana ma helin; maanta waxaan wax weyn u arkaa in dhul muslin oo dalkiisii ah lagu aasayo”.

Nooma suurto gelin in aan dawladda Maraykanka ka helno jawaabo la xiriira eedeymaha iyo sheegashooyinka ka yimid qoysaskaas.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleBooliis Kenyan ah oo loo xirey Itoobiyaan ay sharci daro ku soo geliyeen dalkooda
Next articleMadaxa WHO “Gaza waxay noqotay aag dhimasho”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here