Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa dhageysa doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here