Nairobi (dayniiile.com)-Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray kana soo qaaday waxaan jirin saadaasha roobabka waa weyn ee El-Nino kaasoo la hadaly hayo in dalalka afrika uu saameyn doono.

William Ruto wuxuu tilmaamay in saadaasha la bixiyay ee dhibatada badan lagu sheegay ineysan jirin islamarkaana roobabkaani wax badan ka duwaneyn roobabkii caadiga ahaa ee di’I jirey.

Advertisement

“Kenya  ma wajihi doonto roobabka culus ee loo yaqaano El Nino ama dayr- biyo badan sidii ay horay u sheegtay waaxda saadaasha hawada ee wadanka”ayuu yiri William Ruto

Madaxweyne Ruto wuxuu intaasi ku daray xili uu kaniisad nayroobi ku taal kula hadlaayay dad shacaba in hoos loo dhigay saadaashii hore marka la eego baaxadda roobabka la rajeynayo.

“waaxda beeraha ayay u wanaagsan tahay roobabka hada la filaayo oo lagu sheegay inay noqon doonaan roobab aan wati badan socon wax dhibaata ahna aan laga filayn”ayuu mar kale yiri

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHogaamiyaha SSC Qaatumo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laas-caanood+SAWIRRO
Next articleIsra’iil oo raali gelin ka bixisay duqeyn ay u gaysteen Masar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here