Muqdisho, Maarso 14, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Advertisement

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada, waxa uuna sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan

DHAMAAD

Previous articleMadaxweynihii hore ee Somalida Itoobiya oo dib u helay xoriyadiisa
Next articleWAR DEG DEG AH:Alshabaab oo caawa ka dhex dagaalamaya Hotel SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here