Muqdisho, 13 Nofeembar 2023: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qiimeynta iyo gurmadka muwaadiniinta ku dhibaatoobay daadadka xooggan ee ku soo rogmay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre warbixin ku saabsan gurmadka iyo samata-bixinta dadka waxyeelladu ay soo gaartay, dadaaladaas oo ay ka mid tahay in Xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay waxyeellada ka dhalatay duufaanta El-nino.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta iyo gurmadka, waxa uuna ku baaqay in kor loo qaado wacyigelinta iyo feejignaanta dadweynaha, gaar ahaan deegaannada laga filanayo fatahaadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u faray Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa shirkan in ay kor u qaadaan fayo-dhowrka iyo isu-socodka, maadaama roobab joogta ah oo da’ay ay saameeyeen nolasha dadka Caasimadda, waxa uuna xusay shaqada adage ee loo baahan yahay in la qabto.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 10 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people and dais
Previous articleTaliska Ciidanka Milatariga oo ka hadlay Qaraxa kuliyada Jaalle Siyaad
Next articleXubinnimada EAC Waxay Soomaaliya iyo Gobolkaba u Horseedi Doontaa Waa Cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here