Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu qaabilay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare.

Advertisement

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Muxammad Waare” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada.

Qoraalka Madaxtooyada laguma sheegin Ajandaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare.

Kulanka Madaxweynaha iyo safiirka Itoobiya waxaa goob-joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland.

Previous articleWarbixin: Alshabaab iyo Boka haram oo loo diiwaan galiyay inay rabshadaha ugu dhimashada badan ka geysteen Afrika
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaalka Itoobiya oo ku sii fiday deegaano hor leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here