0Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo dardargalinaya howlgalada lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab ayaa maanta booqdasho kormeer ah ku tagay Deegaanada Nuur-dugle iyo Maxaa Saciid oo lagu diyaariyay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka oo cadowga Khawaarijta ah ka xoreynaya deegaanada Hirshabeelle iyo bariga Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha oo kormeerkaan booqashada ah ay ku wehliyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xildhibaano, Qaarka mid ah Gudoomiye-yaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliyaha Guutada 3aad Qeybta 27aad ee CXDS Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale ayaa ku bogaadiyay sida ay ugu soo diyaar garoobeen ciribtirka cadowga khawaarijta ah.
Madaxweynaha oo Ciidanka Dib u Xoreynta kula hadlay Deegaanada Nuur-dugle iyo Maxaa saciid ayaa faray inay shacabkeenna ka xoreeyaan gumeystaha khawaarijta ah ee u taagan baabi,inta dadkeenna, aragti dheerna ay u yeeshaan hagar daamooyinka cadowga.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in furimaha hore ay u joogaan dhiirgalinta Ciidanka iyo ka warqabkooda isagoo tilmaamay in maalmaha soo socda ay kusoo biiri doonaan Ciidamo fara badan oo kala qeybgali doona dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta alshabaab.-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADD HIRSHABEELLE

Previous articleDagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Dowlada oo Saaka aroortii ka qarxay  Magaalada Ow-dheegle.
Next articleOrod-yahan Mo Farax oo ka fadhiistay ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here