Orad-yahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax bale u orda Dalka Britain ayaa go’aansaday inuu gabi ahaanba joojiyo xirfadiisa ciyaaraha fudud ee orodka.

Sida ay baahisay idaacada BBC-da Ciyaaryahankaan ayaa Axada maanta ordi doona markiisii u danbeeyay kadib markii uu ku dhawaqay inuu ka fariisanayo tartamada orodka.

Advertisement

Tartankiisa ugu danbeeya ee maanta kadib Mo Farax wuxuu ku laaban doona Waqooyi Bari si uu u dhameystiro safar macsalaameyntiisa ugu dambeysay ah oo uu ku marayo London iyo Manchester sanadkan.

Ciyaaryahankaan ayaa ku guuleystay 10 Oradada dheer-dheer oo xiriir ah,isagoo Dalka Britain u qaaday bilado waaweyn,ugu danbeyna sanadkaan 2023 ayuu go’aansaday inuu ka fadhiisto ciyaaraha fudud.

“Waxaan helay taageero cajiib ah sanadihii oo dhan ee orodka Great North. Waligayna waan ka qayb qaadan jiray tan iyo yaraantaydii. markaa waxay ahayd wax iska caadi ah runtii inaan go’aan ka gaaro tartanka ugu dambeeya ee orodka,”ayuu yiri Mo Fara oo BBC u waramaayay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Cali Guud-laawe oo gaaray Deegaanada Nuur-Dugle iyo Maxaa Saciid+SAWIRRO
Next articleMaxaa ka jira in howl-galadii ka dhanka ahaa Al-shabaab hakad la gelinayo arimo xasaasi ah oo jira owgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here