No description available.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-mudug Axmd Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay weerarkii saaka alshabaab ku qaadeen deegaanka Laas-gacameey halkaasuu uu isagu ku sugnaa.

Madaxweyne Qoor-Qoor wuxuu ugu horeyn beeniyay warar lagu sheegay in qaraxa ay dhibaato ku soo gaartay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Advertisement

“waan nabad qabnaa dhaman masuuliyiintii reer Galmudug ee aan isla joognay Laas-gacameey waana been wararka in wax soo gaareen”ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

“ma jirto wax masuul ah oo dhibaato ay soo gaartay,dagaalkuna wuu sii socon donaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Qoor-Qoor

Sidoo kale wuxuu sheegay ineysan cabsi gelin karin qaraxyada sla markaana dagaalka ay sii wadi doonaan tan iyo inta Alshabaa laga saaraayo guud ahaan deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu Sidoo kale xusay in Alshaaab ay ku jiraan xag xagashadoodii ugu danbeysay ayna sii tabar dhigayaan.

“Sadex maalin ayan joognay furinta waana sii joogi doonaa,dhagartoodii xumeydna way fashalintay maleeshiyaadka Alshabaab”ayuu mar kale yiri Qoor-Qoor

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here