Wafdi u hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dalka Kenya gaar ahaan Nairobi  Sida goor dhaw uu warbaahinta la wadaagay Afhayeenka Madaxtooyada C/raxmaan xudeyfi.

Madaxweynaha wuxuu Casuumad ka helay dhigiisa dalkaas iyagoona ka wada hadli doona dhowr qodob sida xiriirka labada Dal,Ganacsiga iyo iskaaashiga dhanka amniga madaana labada Dal deris yihiin.

Lama yaqaan inay ku jirto dhex dhexaadin laga  sameeyo Soomaaliya iyo Itoobiya oo xirriirkoodu xumaaday markii Itoobiya soo damacday inay xoog ku qaadatao dhul badeed Somalia ay leesahay.

Waxaa jireg qorshe hore warbaahintu u faafiyeen oo ahayd in Madaxweynaha Kenya uu doonayo in si navad ah lagu soo afharo khilaafka u dhexeeya labada dal.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Ciidamada Dowlada oo fashiliyay weerar Alshabaab ……
Next articleAskari Dowlada ka tirsan oo dil arxan daro ah ka gaystay duleedka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here