Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dil arxan daro ah wuxuu ka gaystay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen ardey iskuul ayuu askarigaani rasaas ooda uga qaaday waxaana uu nafta dhaafiyay wiil yar oo ardeyda ka mid ahaa kaasoo dhigaanaayay fasalka koowaad ee Dugsiga sare.

Askariga dhibaatadaas gaystay wuu baxaaday sida wararku sheegqyaan waxaase la qabtay darawalka gaari raaxo uu la socday gacan ku dhiiglaha ka hor in tuusan dilka gaysan.

Sidoo kale ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad sugida waxay soo xireen milkiilaha gaariga uu la socday gacan ku dhiiglaha .

Dhanka kale ciidamada waxay baadi goobayaan gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Cabdi Axmed Caddow.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo gaaray Nairobi
Next articleHawlgal ka Dhacay Jubbada Hoose oo Alshabaab badan lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here