Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay in howlgal ay sameeyeen ciidamada Milatariga Somalia inay ku dileen kuna soo qabteen Alshabaab badan.

Haddaba Warsaxaafadeedka ayaa sidaan u qorna:-
May be an image of textMuqdisho, 11 April, 2024: Ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Khawaarijtu ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.

Advertisement

Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga Khawaarijta ah ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.

-Dhammaad-
Previous articleAskari Dowlada ka tirsan oo dil arxan daro ah ka gaystay duleedka Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan iyo William Ruto maxay ka wada hadleen?+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here