Nayroobi, Abriil 11, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

DHAMMAAD
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and dais
Previous articleHawlgal ka Dhacay Jubbada Hoose oo Alshabaab badan lagu dilay
Next articleKooxo dhawaan Islii ku toogteem Wiil Soomaali ah oo meydadkooda hada la helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here