Kooxo hubeysan oo dhawaan dhaawac xun iyo dhacba isugu daray wiil Soomaali ah oo ganacsadana ahaa ayaa meydadkooda meelo kala duwan laga helay.

Ragaan dilka gaystay oo sedex ahaa ayaa dhaawaca iyo dhaca markeey gaysteen kadib waxaa soo qabtay ciidamada Booliiska iyagoo ku sugnaa xiligaas Mombasa.

Advertisement

Wiilka Soomaaliga ah ee ay dileen oo hada xaalad adag ku jira ayaa isbitaal wali ku jira xili dhaqaatiirtu sheegeen in laf dhabarta wax ka gaareen macquulna tahay inuu baraleys noqdo walow dadaalna loo wado oo soo kabashana rajo laga leeyahay.

Ragaan burcada ahaa waxay wiilka soomaaliga ka dhaceen 31 kun Doolar oo uu xiligaasi rabay inuu Bangi dhigo balse bangiga oo xirnaa markuu ka soo laabtay ayaa mooto laba lugaaleey uu kireystay waxaa moto kale ku hor jaray burcadaan waxay ku fureen rasaas kadibna lacagta ayay ka qateen.

Warbaahinta Kenya ayaa saacadahaan danbe waxay tabiyeen in laba ka mida eedeysanayaashii dhaca gaystay in meydadkooda laga helay laba meel oo kala duwan sida ismaamulka Kiambu iyo deegaanka Juja.

Si kastaba madaama ay eedeysanayaal ahaayeen booliiskuna qabtay waxaan jawaab loo heyn sidee horta xabsiga uga baxeen oo hadey baxeen sabab loo daayay eedeysanayaal.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan iyo William Ruto maxay ka wada hadleen?+SAWIRRO
Next articleYuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii la soo dhaafay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here