=XIGASHO BBC SOMALI=

QAADKA KENYA EE LA XAYIRAY

XIGASHADA SAWIRKA,NATION MEDIA GROUP

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaadka Miiroowga ee Kenya uu maanta tagay magaalada ka dib muddo maalmo ah oo uu hakad ku jiray.

Sababta uu maamlmo qaadku u tagin Muqdisho ayey ganacsatada ka shaqaysata qaadka Miiroowga qaarkood BBCda ku sheegeen in sababtu ahayd lacago dheeraad ah oo laga qaado taas oo ay awoodi waayeey markii khasaaro uu ka soo gaaray.

Advertisement

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa BBCda u sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh” ayuu yiri Barre.

QAADKA MIIRAAGA

Inkasta oo aysan BBCdu si madaxbanaan u xaqiijin karin sheegashada Cabdiwaaxid Barre, haddana wuxuu sheegay in tani xayiraad ay ku tahay ganacsatada qaadka ee labada dal.

Lacagta ay ganacsatada ka cabanayaan ayaa dhan 4.5 dollar oo laga qaado kiilo kasta oo ah qaadka Miiroowga ee loo dhoofiyo Muqdisho sida uu BBCda u sheegay Cabdiwaaxid Barre.

Xaawo Maxamed oo ka mid ah dadka ka ganacsan jiray qaadka muddo ka badan 25 sano ayaa BBCda u sheegtay in markii shirkado gooni ah loo xiray qaadka ka daga Soomaaliya ay ka fariisatay qaadka sanadkii 2020 kii.

“Dadna waxaa loo sameeyey dhaqaale xooggan kuwana waa la curyaamiyey” ayey BBCda u sheegtay Xaawo.

Sida ay BBC u sheegtay Xaawo Maxamed, waxaa si maalinle ah Muqdisho u taga illaa afar iyo toban diyaaradood oo qaadka Miiroowga sida kuwaas oo calaa diyaarad ay siddo ugu yaraan 13 kun oo iyo dheeraad kiilo oo qaadka miiroowga ah.

Maxay tahay lacagta laga cabanayo?

QAADKA MIIROOGA

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Guddoomiyaha ururka ganacsatada qaadka Miraa ee Kenya Kimati Munjuri, ayaa BBCda u sheegay inay dowladda Madaxweyne Ruto ka sugayaan balanqaadkiisii ahaa inuu meesha ka saarayo dulaalayda qaadka oo halis ku ah sida uu sheegay ganacsatada qaadka Miiroowga.

Xaawo Maxamed, waxay BBCda u sheegtay in lacagta u dhacda kuwa ay ku sheegtay inay yihiin “dadka halka dhexe lacagaha ku qaada in ay sameeyaan faa’odo badan”.

“Marduufkii ama Kiilladii ayey ka qadaan 4.5 dollar sidaas awgeed waxay si maalinle ah u faa’iidaan lacago kumanaan kun ah” ayey intaas raacisay Xaawo.

Cabdiwaaxid Barre, wuxuu BBC da u sheegay in lacagahaa hadii aysan bixin aysan qaadka ka dhoofin karin garoonka diyaaradaha ee Kenya, xujo na ay tahay.

“Qaadkaga lama saarayo diyaarada ilaa aad bixiso lacagtaas, mana tagayo halkaa aad u rari lahayd, rag ayaa u joogo Nairobi” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin lahaa ku canshuurta calaa kiilo lix dollar.

BBCdu waxay isku dayday inay xiriir la samayso shirkadaha rara qaadka balse nooma suura galin, sidaas oo kale maanan helin shaqsiyaadka ay ganacsatadu ka cabanayaan si aan wax uga waydiiyo arrintaasi.

Sidoo kale nooma suurtogalin in aan helno dawladda Soomaaliya si aan wax uga weydiinno kooxahaas qaadka lacagaha ka qaada.

Soomaaliya ayaa ah suuqa ugu weyn ee hadda u furan qaadka Miiroowga ee Kenya kaas oo ah ganacsiga ugu weyn ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qaadka Miiroowga ayaa dib suuqiisa Soomaaliya u furmay laba sano ka hor markii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaaday xayiraadii ay saartay dowladdi ka horeysay ee Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleKooxo dhawaan Islii ku toogteem Wiil Soomaali ah oo meydadkooda hada la helay
Next articleWararkii ugu danbeeyay ee Xaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here