QAZA (DAYNIILE.COM)-Falastiiniyiin ayaa safaf ugu jira cunto ka cunteynta magaalada Rafah ee Marinka Gaza

Samantha Power oo ah madaxa USAID ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegtay in macaluul ay ka jirto waqooyiga Gaza, kadib markii la isla gartay in qiimeyn ay sameyso Qaramada Midoobay.

Advertisement

Qaramada Midoobe ayaa waxay qiimeyn ku sameyneyaa gaajada ka jirta deegaanka si taageere caalami ah loo gaarsiiyo.

Dhowr qof ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza iyo Rafah ee koonfurta, iyadoo lix kalena lagu dilay weerar ka dhacay suuqa magaalada Gaza.

Kolonyo gargaar oo ay leedahay hay’adda UNICEF ayaa haleeshay rasaas ay Israa’iil ku ridayso dhacdadii ugu dambeysay ee shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo ee lagu weeraray Qaza.

Madaxa siyaasadda Ismail Haniyeh ayaa sheegay in Xamaas aysan bedeli doonin mowqifkeeda wadahadalada xabad joojinta ka dib markii Israel ay dishay saddex ka mid ah wiilashiisa iyo afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa weerar maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga.|

Ugu yaraan 33,545 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,094 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleYuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii la soo dhaafay?
Next articleDAAWO: Taliyaha Milatariga Somalia oo Ciidamada ugu Hambalyeeyay maalinta Ciifanada Xooggga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here