DHUUSA-MAREEB (DAYNIIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah  ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka laga helaayo Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto u diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Advertisement

Guud ahaan waxay xireen ciidamada Galmudug iyo kuwa Madaxtooyada  Somalia wadooyinka soo gala kana baxa inta u dhexeysa madaxtooyada Galmudug iyo Garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb.

Wararka la xiriira ujeedka socdaalkiisa ayaa sheegaya inuu dib uga bilaabayo Magalaadaasi hogaaminta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Alshabaab si uu isaga soo xiro wajiga 1-aad islamarkaana loo bilaabo wajiga 2aad .

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCiyaartoyda Koonfur-galbeed oo Maanta ka dhoofeen Muqdisho
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo qaabilay Safiirka Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here