Muqdisho, Abriil 17, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Advertisement

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

DHAMMAAD

Previous articleTaliye Xigeenka Ciidanka Dhulka oo ciidamada uga digay balwada
Next articleGud.aqalka sare muxuu kala hadlay Safiirka Talyaaniga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here