MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliye Xigeenka Ciidanka Dhulka Genaral Cirro ayaa noonday xerada ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 18-aa.

Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada inay u diyaar garoobaan dagaalka Alshabaab wajigiisa labaad.

Advertisement

“Khawaarijta dagaalkooda  waad la socotaan saaxiibadeen qaarba ku shahiiday  halka qaar kalana ku dhaawacmeen”ayuu yiri Taliye Cirro.

Sarkaalkaan wuxuu sidoo kale ciidamada kala hadlay arinta balwada oo dhibaato dhaqaale ku ah mushaarka ciidamada.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay in lacagta ciidamada ay u dhaamatay gabadha kabarka qaadka fadhida iyo mid ciidanka dhexdiisa xashiishka qarsoodi ku dhex keenaya.

“Ongolaan meyno xerooyinka Ciidanka in Maandooriye dhuumasho lagu keeno ciiddii lagu qabto tilaabo ayaan ka qaadi doona”ayuu yiri Taliye.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleQM oo lagu inay Maanta Falastiin u aqoonsadaan Dal Madax banaan
Next articleMadaxweyne Xasan oo shir Gudoomiyay Shirka Amniga Qaranka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here