Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Guddoomiyaha iyo Safiirku waxay ka wada hadleen adkaynta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Talyaaniga, waxayna isla qaateen in laga wada shaqeeyo adkaynta iyo sii xoojinta xiriir wada shaqayneed ee labada dal gaar ahaan xiriirka Golaha Aqalka Sare ee BJFS iyo Sanatka Dowladda Talyaaniga, si ay isaga kaashadaan isdhaafisiga khibradaha shaqo iyo kuwa xeer-dajineed ee labada Baarlamaan.

Advertisement

Safiirka ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhowaynta diiran, wuxuuna ballan qaaday in uu si dhow uga shaqeyn doono isku soo dhowaashaha iyo adkaynta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- Media@senate.govso
Facebook: Aqalka Sare
Twitter:- @AqalkaSare
Website:- www.senate.gov.so

Previous articleMadaxweyne Xasan oo shir Gudoomiyay Shirka Amniga Qaranka+SAWIRRO
Next articleWariye Xuseen Cabdulle oo dib u helay xoriyadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here