Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Madaxweynaha KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxa ay kulamo kala duwan kula qaateen odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka, midka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Xudur.
Kulamadaan ayaa looga hadlayey u diyaar garoowga bilaabida wajiga labaad ee dagaalka dalka looga sifeynaayo Khawaariijta iyadoo maamulka iyo bulshada ku dhaqan Gobolka Bakool ay tilmaameen in ay diyaar u yihiin in cadoowga Khawaariijta ah ee nolosha u diiday shacabka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan deeganadaan iyo guud ahaan dalka, isla-markaana ay garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.
Waxaana kulamadaan qeyb ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka Ciidanka XDS, Taliyaha Qeybta 60aad, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
=WARBAAHINTA DOWLADA=















